SOMALI LINKS

XOG RASMI AH:- Madaxwayne Cabdiwali Gaas Oo Is-hortaagay In la Dhaqaajiyo Mashruuca Dhismaha Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo.

Waxaa isa soo taraysa xog xaqiiqo ah oo ku saabsan halka uu marayo mashruuca dayactirka laamiga xiriiriya Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo hadda u xayiran sidii loo heli lahaa Qoondadii Dawladda Puntland ee ka qaybgalka ee Mashruucaan, iyadoo qoondadaas laga sugayo inuu bixiyo Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Guddoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan oo dhawaan magaalada Boosaaso u tagay, inuu madaxwayne Cabdiwali Gaas kasoo dhammeeyo sidii uu Madaxwaynuhu u fasaxi lahaa Qoondada Dawladda ee Mashruuca ayaa Garoowe dib ugu soo laabtay isagoo kusoo hungoobay in Madaxwaynuhu fasaxo Qoondadaas.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Andress Pesxhke Bidix, Madaxwaynaha Puntland dhexda, Michele Cervone D’urso Midig. Photo by Puntlandi.com

Mashruucaan ayaa la daahray muddo hadda laga joogo in ka badan 2 Sano, walina Mashruucu si rasmi ah uma bilaaban sababo la xiriira faragelin toos ah Oo Madaxtooyada Puntland gaar ahaan Xafiiska Madaxwaynuhu uu ku hayey inuu hano qaado mashruucaan, ka dib markii mudo dhawr bilood ah dawladda Puntland laga la’yahay qoondadii ka qaybgalka mashruuca (Government Contribution), sida aan ka helayno ilo muhiim ah oo ku dhaw-dhaw Xafiiska Madaxweyenaha, waa markii labaad oo wafti ka socda Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA) ay ku soo hungoobaan in Dawlada Puntland u samayso qoondayn rasmi ah si loo saxiixo Heshiiskii dhismaha wadada oo ay ku guulaysatey Shirkad wadani ah.

Qoondada Dawlada Puntland ku aadan shaqo ahaan waa diyaarinta waddada sida ku meelgaar ah loo marayo inta ay socoto dayactirka wadada hada jirta oo dhinac socota wadada la dayactirayao (80km oo Carokaaboah) iyo jaridda dhirta hareeraha waddada la dayactirayo ( Alternative path) kaas oo gaadiidka safarka ah ay isticmaali doonaan, isugayn labadaan shaqo ayaa qiimahoodu yahay ku dhawaad 1 milyan USD.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa hadda uu taagan yahay khilaaf xoog leh oo u dhexeeya Masuuliyiinta Hay’adda Waddooyinka Puntland iyo Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Nooca Khilaafka Taagan?.

Khilaafka ayaa la xiriira awoodda Hay’adda waddooyinka Puntland iyo Xafiiska Madaxwaynaha oo faragelin iyo qalin daar ku haya shaqada Hay’adda ka dib Markii Madaxwaynuhu uu Mashruuca Dayactirka Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo u so xilsaartay Wakiil gaar ah oo xogta xafiiskiisa geeya kana amar qaadanaya Madaxwaynaha, isagoo wakiilkaan oo lagu magacaabo C/risaaq Axmed Aadan (C/risaaq Eelaay) uu tan iyo intii lasoo magacaabay si la yaableh Madaxwayne Cabdi wali Gaas ugala shaqaynayey sidii loo Marin habaabin lahaa Mashruuca iyo Deeq bixiyaha reer Yurub ee Kharash garaynaya iyadoo ujeedku yahay, sidii loo Musuq Maasuqi lahaa lacagta loogu talogalay fulinta Mashruucaan.

C/risaaq Eelaay ayaa Musuq Maasuqa ka bilaabay inuu Shirkadda Wadaniga ah ee Isxilqaan oo uu Share ku lee yahay u dusiyey xogtii Qandaraaska Mashruucaan Xilligii Shirkadaha Maxalliga ah ee Qandaraas qaatayaasha ah ay u tartamayeen Mashruucaan, xilligaas ayuu Wakiil C/risaaq wuxuu Shirkadda uu wax ku lee yahay ee ISXIL-Qaan u gudbiyey Qiimaha Saxda ah ee Mashruuca ku baxaya, waxaana Xusid mudan in maalmo ka dib ISXIL-QAAN uu ku guulaystay Mashruuca, waxayse tahay arrinta kale ee walaaca laga qabo in Shirkaddaan ay tahay mid aan awood buuxda u halayn fulinta Mashruucaan Dayactirka iyo Dhismaha Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo isku xira, balse arrinta meesha taalla ay tahay Musuq Maasuq kasoo bilowday Xafiiska Madaxwayne Gaas.

Arrintaan ayaa walaac xoog leh ku abuurtay masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Hay’adda wadooyinka  Puntland oo ka walaacsan Mustaqbalka Mashruucaan iyo guud ahaan Habsami u socodka  Shaqada Hay’adda waddooyinka looga fadhiyey, waxaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay la dareemayay Culays Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu saarayo Masuuliyiinta Hay’adda Culayskaas oo la xiriira inuu shaqada Hay’adda u dhiiban doono cid ku shaqaynaysa Rabitaankiisa wax isdaba marinta ah ee markii horeba keenay inuu Wakiil ka dhinac shaqeeya Guddoomiyaha Hay’adda PHA u soo magacaabo Mashruucaan.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Hay’adda PHA ee Waddooyinka ayaa lagu aamini karaa sida xilkasnimada leh ee ay illaa hadda u gudanayaan waajibaadka ay ummadda Puntland u hayaan, waxaana lagu xusuusan karaa shaqooyinkii ay soo qabteen oo ay ka mid ahaayeen kuwaan hoos ku qoran.

  • Dhismihii buundada midigar
  • Jaamamba Xaabo iyo Caluula
  • Wadda Lafogorayo ee gobalka garda fuu
  • Wadda Wadaagsin
  • Buundooyinka mirirey ee aaga Boosaaso iyo Qardho
  • Gacan ku haynta Wadda dheer ee laamiga ah

Halis soo wajahday Mashruuca Dhismaha Laamiga Garowe, Gaalkacyo.

Xogta laga helayo Xafiiska Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegaysa in Halis adag ay soo wajahday mashruucaan oo dadka Puntland ay aad ugu naaloonayaan, waxayna Halistaasi tahay in Madaxda Midowga Yurub ee Mashruuca lacagtiisa bixinaysa iyo Hay’adda Iskaashiga Jarmalka ee GIZ ay ka walaacsan yihiin qaabka Xafiiska Madaxwaynuhu wax u wado, ayna mar walba dhici karto inay dib ula laabtaan dhaqaalaha.

Halista kale ee ku xeeran Mashruucaan ayaa xilligaan ah in Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu maagan yahay inuu Masuuliyiinta Hay’adda waddooyinka ee hadda shaqaynaysa ku baddelo kuwa isaga Daacad u ah oo ka qayb qaadan kara Musuq Maasuqqa Xafiiska Madaxwaynaha iyo Wakiilkiisa Mashruucaan ay damacsan yihiin in lagu dhaqmo kaas oo ah in lacagta Mashruuca si yaabo aan sharci ahayn loo isticmaalo.

Ugu dambayntii 24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayey Walaaca laga Qabo in Madaxwayne Cabdiwali Gaas oo uu badelo Madaxda Hay’adda oo Deeq bixiyaha Mashruucaani ay aad ula dhacsan yihiin Hannaankii ay ula shaqaynayeen Mudadii la waday Geeddi Socodka Mashruucaan, waxaase hadda laga war sugayaa Tilaabada uu qaado Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

____________

PuntlandOne.com

Xafiiska Xogaha Qarsoon.

Leave a Reply