SOMALI LINKS

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Oo Maanta Xilkii kala Wareegay Ra’iisul wasaarihii hore Mr Sharmaake.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo asbuucii hore uu xilka u magacaabay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiska kala wareegay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumaddii Waqtigeedu dhammaaday Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Munaasibadda xil wareejinta oo maanta ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga jeediyey Khudbado la xiriira xil wareejinta, waxaana ugu horrayn hadlay Ra’iisul wasaarihii hore oo Ra’iisul wasaaraha cusub ugu hambalyeeyay xilkiisa Ra’iisul wasaarenimo islamarkaasina kula dardaarmay inuu sii amba qaado halkii Hawshu maraysay.

Waxyaabaha gaar ah ee Mr Sharmaake uu kula dardaarmay inuu sii amba qaado Ra’iisul wasaaraha cusub waxaa ka mid ah xoojinta Maamul Goboleedyada dalka taas oo uu sheegay in lagu gaari karo doorasho xalaal ah oo hal qof iyo hal cod ah ( one man one vote).

Ra’iisul Wasaare Xassan Khayre oo maanta xilka lagu wareejiyey ayaa xukuumaddii hore uga mahadceliyey hawshii qaran ee ay soo qabteen, isagoo Ra’iisul wasaaraha xilka ka degay kula taliyey inuu dalka u sii shaqeeyo uuna ku garab istaago xukuumadda cusub wixii talo iyo tusaale ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xusay inuu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiirada.

Ugu dambayntii Munaasibadda xil wareejinta ayaa si habsami leh ku soo dhammaatay ayna ka qaybgaleen Golihii wasiiradda Xukuumaddii Mr. Sharmaake oo xilka sii hayn doona inta Wasiirro cusub ay imaanayaan oo iyaguna ay xilka mid mid ugu wareejin doonaan .

Halkaan Sawirrada ka daawo.

______________

PuntlandOne.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply