SOMALI LINKS

Madaxwayne Cabdiwali Gaas Oo Magacaabay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal.

wareegto maanta oo taariikhdu tahay 04 March 2017 kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal.

Wareegto  xeer  Madaxweyne Lr.22 ee march 03 2017 kuna saabsan magcaabis Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa                                         shaqo.

Markuu tixgeliyey:       Talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo                                         Dawladdaha  Hoose.

 

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Calisalaad Diiriye Faarax loo magcaabay Guddoomiye                kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal  .
  2. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxeexo,             wuuna saxeexay madaxweynuhu maanta.

_________

PuntlandOne.com

Garoowe

Leave a Reply