SOMALI LINKS

(Dhageyso Xasaasi):- Madaxwaynaha Puntland“Alshabaab Dagaalka aan kula jirno waa wadaynaa, Nabadoon Xarago Oo Boosaaso lagu xirayna waa Alshabaab”.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Oo Idaacadda VOA uga warramay arrimo muddooyinkii dambe Puntland ka taagnaa, sida Alshabaab Dil toogasho ah lagu xukumay, Dagaalka Puntland iyo Alshabaab iyo Nabadoon C/qaadir Xarago oo Alshabaabnimo lala xiriiriyey islamarkaasina Dawladdu ay Boosaaso ku xirtay.

Madaxwayne Cabdiwali Gaas ayaa sheegay inuu sii socon doono Dagaalka Puntland ay kula jirto Alshabaab, wuxuuna xusay in Alshabaab ay mar walba duulaan ku yihiin Dadka iyo Dawladnimo Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in si caddaalad ah sharciga loo marsiiyo Maxaabiista Alshabaab laga qabto ee qaarkood dil toogasho ah lagu xukumay oo ay ugu dambaysay 7 dhallinyaro ah oo Dil lagu xukumay dhawaan magaalada Boosaaso.

Arrimaha kale ee Wareysigaan uu uga hadlay waxaa ka mid ah Xoriyad hadalka Saxaafadda iyo Shaqsiyaadka  Caadiga ah iyo sida Dawladda Puntland ay ula dhaqanto.

Nabadoon C/qaadir Xarago xarigiisa oo maalmaan si weyn looga hadal hayey Boosaaso iyo guud ahaan Puntland ayuu sheegay inuu yahay nin Alshabaab ka tirsan oo Sharciga la horkeeni doono.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga.

_________

PuntlandOne.com

Garoowe

Leave a Reply