SOMALI LINKS

Faah Faahin:- Xildhibaan Baarlamaanka Puntland Oo Gaalkacyo Qarax ku dhaawacmay, Waa sidee xaaladdiisa caafimaad.

Waxyar ka hor Salaaddii Maqribka ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu qarxiyey Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan  oo ka tirsan Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, Qaraxa ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray.

Dhaawac halis ah ayaa soo gaaray xildhibaanka, waxaana goobtu uu qaraxu ka dhacay uu uga tagay mid ka mid ah Lugihiisa oo qaraxu ka gooyey, isagoo daqiiqado ka dib loola cararay goob caafimaad oo illaa hadda xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo.

Wali si cad looma ogaan karo sida ay hadda tahay xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Bootaan.

Dawladda Puntland wali kama aysan hadlin dhaawaca Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ah Xildhibaan Gobolka Mudug kasoo jeeda.

Qaraxu ma gaysan wax khasaare ah oo kale, marka laga reebo dhaawaca xildhibaanka lala beegsaday iyo  burburka gaarigiisa oo ahaa nooca yar yar ee raaxada.

_________

PuntlandOne.com

Gaalkacyo 

Leave a Reply