SOMALI LINKS

Alshabaab Oo Sheegtay Masuuliyadda Qaraxii Lagu dilay 6 Askari Oo Puntland ka tirsan.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Qaraxii Miino ee barqadii maanta lagu dilay Ugu yaraan Lix askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland oo ku sugnaa Buuraha Galgala ee Sanaag Bari Puntland, ciidamadaan oo kusii jeeday Magaalada Boosaaso.

Alshabaabku waxay sheegteen inay sidoo kale dhaawaceen ugu yaraan 10 kale oo ciidamada Puntland ka tirsanwaxayna xuseen inay kordhigeen muddooyinkii dambe weerarada qaraxyada ah ee lala beegsanayo gawaarida ciidamada Puntland ee iskaga gudba magaalooyinka Galgala iyo Boosaaso.

Dhinaca Taliyaha Booliiska Galgala ee Puntland Gashaanle dhexee Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo maanta la hadlay Warbaahinta Gudaha ee magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyey dhimashada ciidamada iyo qaraxa lala eegtay, wuxuuna sheegay in askarta dhaawacantay hadda lagu dabiibayo Magaalada Boosaaso.

Dawladda Puntland ayaa Qiyaastii muddo 7 sano ah dagaal kula jirta Alshabaab iyo Daacish oo ku sugan dhulka Buuralayda ah ee Sanaag bari Puntland.

__________
PuntlandOne.com
Boosaaso

Leave a Reply