SOMALI LINKS

Sawirro:- Qunsulka Soomaaliya ee Australia Oo kulan la qaatay Jaaliyaddaha Australia iyo New Zealand.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Australia Mudane Yonis Yassin Hashi ayaa caawa oo ah 09/05/17 isugu yeeray Shir casho is xog waraysi ah dhammaan madaxda iyo aqoonyahanada jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Australia & New Zealand.

Shirkaa oo lagu falanqeeyay doorka siyaasadeed iyo wax tarka ee jaaliyada reer Australia & New Zealand uga aadan Soomaalia. Halkaas oo ay fariimahoodii ugu gudbiyeen Qunsul Yonis oo hadda u socda shirka ka dhacaya London 11ka May 2017.

Waxaa kaloo ka soo baxay shirkaa natiijooyin dib isu abaabulid oo ku wajahan in jaaliyada door weyn oo muuqda ku yeelato xalka siyaasadeed iyo geedisocoka dib u dhiska Soomaaliya, misna iyagoo ku boorinaaya Dawladda Federalka ee Soomaaliya inay xoojiso xiriirka hadda jira ee ka dhexeeya Australia iyo Soomaaliya.

Halkaan Sawirrada ka daawo.

 

________________
PuntlandOne.com
Australia

Leave a Reply