SOMALI LINKS

Akhriso:- Duqqa Magaalada Boosaaso Oo eedayn loo jeediyey, Lunsiga hanti dadweyne iyo Xil gadasho la’aan.

Xildhibaano ka tirsan gollaha deegaanka magaalada Boosaaso ayaa dacwad ka dhan ah duqa Boosaaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud u gudbiyey Hanti-dhowrka guud ee Puntland,Wasaaradda arrimaha gudaha.

Xidhibaanada ku saxiixan waraaqda ayaa gaaraya 11-xubnood,waxayna ku dhaliileen duqa Boosaaso dambiyo uu ka galay bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso oo ay kamid yihiin:

  1. Xil gudasho la’aan
  2. Ku Takri fan awoodihii loo igmaday
  3. Lunsasho hanti dadweynaha
  4. Jabinta sharciga si bareer ah
  5. Ixtiraam la’aan golaha iyo dadweynaha uu kula kacay
  6. Eex iyo nin jeclaysi iyo kala qeybinta gollaha
  7. Musuq maasuq mashaariicda degmada

Hoos ka akhris eedaha loo haysto Duqa degmada Boosaaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud

 

___________

PuntlandOne.com
Boosaaso

Leave a Reply